Page Nav

HIDE

Breaking News:

latest

Cumar binu al khadaab “Sidee ayuu wiil yaraantiisii xaabada madaxa ku qaadi jiray uu u noqday hogaamiyihii dunida ugu awoodda badan. “Al faaruuq sannadihii hore”

“ Haddii uu gadaashay nebi jiri lahaa, waxa uu ahaan lahaa Cumar.” Xadiith laga wariyey Nebiga scw,   kitaabka Sunan at-Tirmidi, 4018.   Mar...


Haddii uu gadaashay nebi jiri lahaa, waxa uu ahaan lahaa Cumar.” Xadiith laga wariyey Nebiga scw, 

kitaabka Sunan at-Tirmidi, 4018. 


Marka lagasoo tago xadiithkaas oo uu Qoraaga ibafur uga dhigay buugga, Muxummad Yusuf ayaa ku bilaabaya dhiganahaan afeef uu ka afeefanayo in buugga uu qoray uusan soo koobayn taariikhdii Cumar binu khadaab, balse ujeedka uu uqoray buuggani uu yahay in uu wax un ka iftiimiyo taariikhdii saxaabigan wayn kana mid ahaa tobankii loogu bishaareeyey jannada, sidoo kalana uu wax un ku kordhiyo/ kutaro maktabadaha soomaalida.  Annaguna alle haka ajar siiyo ayaan leenahay


Cumar oo dib u milicsanaya yaraantiisii.

Cumar oo maalin maalmaha kamid ah maraya Dajnaan, oo ah magaalo Makkah Al mukarah u jirta 54KM, kuna taala jidka u dhaxeeya makkah iyo madiina, ayuu dib u milicsaday yaraantisii iyo koriimadiisii markaas ayaa la wariyaa in uu yiri, “Haddii aad i arki lahayd aniga oo halkan la jooga geelii al-Khaddaab! Waxa uu ahaa qof kakan oo qallafsan. Marna geela ayaa aan dhowri jirey marna xaabaan guran jirey. Maantana waa taas dadku igu hareeraysan yihiin, oo qof iga sarreeyaa uusan jirin”. hadalkaan oo dhowr qaab oo kala duwan taariikhyahanadu uga wariyaan, waxaa macquul in cumar laga diwaan galiyey dhowr goor oo Kala duwan oo uu meeshaan soo maray kadibna uu isbarbar dhigay noloshii adkayd ee uu kusoo koray iyo maanta oo uu yahay ninka ugu awoodda badan dunnida oo dhan cid kasaraysa oo aan Eebe wayne ahayna aysan dunnida katalin. Sidoo kale hadalkiisa waxaa laga dheehan karaa heerka uu islaamku iyo diintii uu layimid Nabi Muxammed SCW ay sabab u ahayd heerka uu gaaray Cumar RC. Diinta islaamka la,aanteedna Cumar waxaa hubaal ah in uu ugu badnaan noqon kari lahaa oday qabiileed. kadibna magaciisa iyo taariikhdiisuba aysan midina nasoo gaarteen sidii odayaashii quraysheed ee asaga kahoreeyey, Cumar oo arrintaas qirayana waxaa laga wariyaa oraahda caanka ah, 


"نحن قوم أعزَّنا الله بالإسلام فمهما ابتغينا العزَّة في غيره أذلَّنا الله".

“Waxa aanu nahay dad Alle ku sharfay Islaamka, markii aanu meel aan isaga ahayn sharaf ka raadinnana, Alle ayaa na dulleynaya.” 


Qoraa muxummad Yusuf waxa uu leeyahay Ma sharaf iyo karaamo kawayn ayaa jirta oo Cumar uu gaari lahaa asaga oo marnoqday hogaamiyaha dunida ugu awooda badan magaciisana toos loola xiriiriyo dhismihii dowlada islaamka iyo dumintii labadii dowladood oo u waawaynaa caalmaka xiligaas Faaris iyo Ruum. Sidoo kalana uu wato shahaado/bishaarayn, Nabigu SCW uu ugu bishaareeyey jannada.  


Lasoco qaybta labaad.

No comments