Page Nav

HIDE

Breaking News:

latest

GUNAANAD “Buug soo koobid “baraaruji awoodahaaga Ibrahim Al fiqi”

Ibrahim Al fiqi Oo kamid ah qoraayada loogu jecelyahay caalamka carabta iyo guud ahaan caalamkaba Waxa uu buugiisaan uu ugu wanqalay “baraar...


Ibrahim Al fiqi Oo kamid ah qoraayada loogu jecelyahay caalamka carabta iyo guud ahaan caalamkaba Waxa uu buugiisaan uu ugu wanqalay “baraaruji awoodahaaga”kusoo gunnaanadayaa in talagalay Alle loo celiyo, kadib markii aad go,aan qaadatay, Tamar (Energy) aad galisay, dedaalna aadan laharin waa lagama maarmaan in aad Eebe wayne talo saaratid, kutiirsanaatid, islamarkaasna aad rajaysid. Alle qur,aankiisa waxa uu kuleeyahay وتوكل علي الحي الذي لا يموت (Taladana saaro nabi allow midka Nool Ee aan waligiis geeridu arkayn). Waxa uu gabgabda buuggiisa sidoo kale uu kuxusayaa arrin muhiim ah oo ah is caawinta. Waxa uu leeyahay waxa aad bixisid waad helaysaa, wanaag u samee dadka kale wanaag ayaad alle SWT iyo dadkaba kala kulmaysaa, caawi inta aad awoodid wax walba oo wanaag ah oo aad alle darro is u bixisid adiga ayey dib kuugu soo laabanayaan, adiga ayaana ah qofka ugu badan oo aduun iyo aakhiraba ka faa,iidaya. 


Iscajabinta ayuu kadigayaa qoraagu, in aad is cajabisid oo dadaalkaagii aad kutiirsanaatid waxeey kudhaxalsiisaa shalayto iyo qoomamo, bal marka hore iswaydii yaa keenay sababta aad kuguulaysatay? Yaa kusiiyey caqliga aad ku garatay in aad wadadaas u martid? hadii uusan alle kuwaafajin in aad fulisid mashruuc iskadaaye xitaa ma bilaabi lahayd? Intaas oo dhan markaad niyadda kuhaysid waxaad garanaysaa awoodaada, waxaana kuu fududaanaya in aad eebe aad qalbigaaga kuhaysid kadibna aad si sahlan u guulaysatid. 


Ugu dambayn baraaruji awoodahaaga ogowna ruuxa waxaa saaran in uu jihaado oo harjado inta awoodiisa ah si ilaahay uu guul iyo gargaar ugu manaysto, wanagsan samee haba ustaad ee Markastana niyadda kuhay hadalka ilaahay ولا نضيع اجر المحسنين. 


Intaas ayaan kusoo gabagabynaynaa soo koobidii aan kusamaynaynay buug a baraaruji awoodahaaga Ee Ibrahim Al fiqi Rahximahullaah


No comments