Page Nav

HIDE

Breaking News:

latest

Cumar Ibnu Al khadaab “dilka iyo aasidda gabadhiisii” buugga al faaruuq sanadihii hore

Maxaa kajirra sheekada Cumar binu khadaab laga sheego in uu sameeyey  Xiligii  jaahiliyadda, dilka gabadhiisii uu jeclaa. Waxaa jirta sheeko...

Maxaa kajirra sheekada Cumar binu khadaab laga sheego in uu sameeyey Xiligii jaahiliyadda, dilka gabadhiisii uu jeclaa.

Waxaa jirta sheeko caan ah oo aan ku tilmaami karno sheeko dhagood jiilba jiil u dhiibay ama la iska dhaxlay, kuna saabsan duugidda ama Aasidda gabadh Cumar RC uu dhalay, sheekadaan ayaa inta badan waxaa loo soo tabiyaa sidaan, 



Cumar oo la fadhiya qaar saxaabada ka mid ah, ayaa yara qoslay dabadeedna ooyey. Markii la weydiiyey sababtana waxa uu ku jawaabey, “Jaahiliyadii inta aanu timirta cajwada sanam ka samaynno ayaa aanu caabudi jirney, dabadeedna aanu cuni jirney—taas ayaa aan ku qoslay. Waxa aanse u ooyey, gabadh aan dhalay baa aan doonay in aan nolosha ku aaso, markaas ayaa aan qaaday oo aan god u qoday, iyada oo ciiddii ka daadinaysa gadhkayga, ayaa aan noloshii ku aasay”. (Sida ay ugu qorantahay buugga muxummad Yusuf).



Balse sheekadani kuma qorna dhamaan kutubta taariikhda amaba ugu yaraan kutubta kahadlaysa taariikhda saxaabigaan wayn, ahaana khaliifkii labaad ee umadda Nabi muxamad salalaahu calayhi wasalam. Qoraagu wuxuu leeyahay sheekadaan waxaa soo tabiyey qoraa la oranjiray Cabaas Al Caqaad Asagoo sheegay in aysan caqli gal ahayn, waxaa intaas dheer in qoraa muxummad yuusuf uu is waydiinayo su,aal si uu u xoojiyo dooddiisq diidmada, “Waxaa isweydiin mudan, haddii uu Cumar aasi jirey gabdhihiisa, maxaa uu u daayey Xafsah oo curaddiisa ahayd, dhalatayna shan sano ka hor intii aan waxyigu soo degin oo aan Nebiga scw la soo bixin—ilaa toban sano ka hor intii aanu islaamin? Qoraagu wuxuu intaas raacinayaa, in ay cadahay in aysan ahayn dhaqan uu reerkoodu lahaa, maadaama labadii gabadhood oo la dhashayba ay noolaayeen, waa Safiya iyo Faadumee. “Xaqiiqdii waa wax aan ka suuroobi karin qof shakhsiyadda Cumar oo kale leh. Ha ad-adkaado, laakiin naxariis darrada intaas le’egi waa mid ka hor imaanaysa sooyaalkiisii lagu yaqaannay.” Faaladaas kooban ayuu qoraagu kusoo xiray qaybtii uu kaga hadlayey sheekadii laga faafiyey Cumar RC

1 comment